XOG: Xasan Sh. oo Sergio Mattarella kala hadlay laba arrin oo u gaar ah xilli culees soo wajahay.!!

Roma (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan wafdiga Madaxweyne Xassan Sheekh ee iminka ku sugan dalka Talyaaniga ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xassan Sheekh la kulankiisa Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella kadib uu kala hadlay xaalada guud ee dalka, amaanka, dhaqaalaha iyo Siyaasada.

Arrimahaasi kadib Madaxweyne Xassan ayaa u guda galay arrimo isaga u gaar ah, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin socdaalka ku wehlineysa.

Waxa uu uga warbixiyay arrimaha la xiriira Mooshinka iyo in Dowlada Talyaaniga ay ka saacido dhanka dhaqaalaha waxa uuna intaa daba dhigay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo doorashada soo socta ee la filaayo inay ka dhacdo Somalia.

Waxa uu ka codsaday in garab laga siiyo dhinacyada Mooshinka islamarkaana Talyaaniga uu faragalin kusoo sameeyo si xal looga gaaro culeyska taagan iyo in laga taageero doorashada.

Sidoo kale, waxa uu dhankiisa u ballanqaaday inuu ka xoojin doono dhanka xiriirka iyo waliba in Somalia ay ku yeeshaan kaalin mug iyo miisaanba leh, sida ay xogtu sheegeyso.

Madaxweyne Sergio Mattarella ayaa isna soo dhaweeyay guud ahaan barnaamijka nabadeynta Somalia, Siyaasada iyo dhaqaalaha waxa uuna sheegay inay garab muuqda kageysan doonaan arrimahaani taagan.

Waxa uu soo hadalqaaday arrinta Mooshinka oo waayahaan danbe laga dareemaayay Somalia iyo dib ugu soo laabashadiisa xilka madaxtinimo.

Sergio Mattarella waxa uu Xassan Sheekh u ballanqaaday inuu wax ka bedeli doono codsiyada islamarkaana uu xoojin doono arrimaha la xiriira hankiisa Siyaasadeed.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhigiisa Mr Sergio Mattarella uga mahad celiyay sida ay Dowada Talyaaniga u garab taagan tahay Somalia iyo tababarada ay siiyaan Ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com