25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Daawo Sawirrada: Dagaalka Shacabka Jowhar iyo Webiga Shabelle

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Fatahaada Wabiga oo loo leexiyay aaga Moyko iyo magaalada Jowhar oo ka badbaaday daadad xoog leh OO laga Cabsi qabay in wabiga ka soo fatahay wabiga Shabeelle ay gudaha u galaan magaalada Jowhar ayaa hoos u dhacday kadib markii biyaha ka soo fatahay wabiga loo weeciyay Kurta Moyko oo ah waddo ay mari jireen fatahaadihii hore.

Dadaalo ay sameeyeen beeralayda,ganacsatada iyo waxgaradka ayaa ku guuleystey in ay jebiyaan kanaalka Burey isla markaana biyaha u weeciyaan deegaano dhinaca Koofur ka xiga magaalada Jowhar.

Xaaji Abuukar Muudey Cali oo kamid ah ganacsatada magaalada Jowhar ayaa u sheegay Radio Jowhar isagoo jooga mid kamid ah meelaha looga furay biyaha wabiga Shabelle in biyahan ay u weecan doonaan dhul ay hore u mari jireen kuwaasoo magaalada badbaado u ah.

“Shacabka reer Jowhar waa ay ka baxeen walwalka iyo walaaca mar hadii wadadii dhabta ahayd ay heleen biyaha.”ayuu yiri Xaaji Abuukar Muudey Cali.

Biyaha ka fatahay wabiga Shabeelle 14kii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ay sababeen in boqolaal qoys ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, waxana ay biyahan ugu dambayntii soo gaareen hareeraha magaalada Jowhar taasoo sababtay in shacabka ku nool magaalada ay qaarkood bilaabaan in ay isaga barakacaan deegaanadoodii.

Waxaa saaka albaabada loo laabay ganacsigii magaalada iyadoo suuqa Jowhar uu ahaa mid cidla ah,shirkadaha xawilaada ayaa albaabada loo laabay iyadoo maamulka degmada Jowhar uu ka codsaday shacabka inaysan ka barakicin magaalada.

DSC08630DSC08640
DSC08644
DSC08646
DSC08678DSC08688

MAXAMED CASEYR.
JOWHAR SH/DHEXE

- Advertisement -

Read more

Local News