XOG: Ra’iisul wasaare Saacid oo laga codsaday in uu is-casilo

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay baahisay xalay  Idaacadda SKY ee magaalada Muqidsho, waxaa la ogaaday in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon loo soo bandhigay in uu is-casilo kaddib markii ay u tageen odayaal iyo wax garadka sooo jeeda beeshiisa.

Ilaa hadda si dhab ah looma sababta ka dambeesa in ra’iisal wasaaraha in uu shaqada isaga tago, waayo waxaa soo batay dhaliilaha loo jeedinaayo oo ku aadan in uu shaqadiisa ka gaabiyay in shaqadiisa uu u qabto madaxweynaha Soomaaliya isagana uu noqday qof magac ahaan u jira.

Ma cadda wax yaabaha uu ugu jawaabay ra’iisal wasaaraha ergada u tagtay ee ka dalbatay in uu shaqada isaga tago.

Dhinaca kale, waxaa isku shaan dheen lagu sameenayaa golaha wasiiradda xukuumadda, waxaana la soo sheegayaa in la kordhin doono tirada wasiiradda.

Golaha wasiiradda cusub ayaa la gaarsiinayaa ilaa 18-waxaana ku jirra wasaarado cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho