Daawo Sawirrada: Lacago Faalso ah oo lagu gubay Gaalkacyo.

Magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta 29 October,2012 waxa lagu gubey lacago faalso ah oo gaareysa $135 kun oo dollar, taasi oo horey ciidamada amaanka Puntland ay horey uga soo dhex qabteen magaalada.

Goob fagaare ah ayaa lagu gubey ,waxana la sheegey inay jirtey lacag Shilin Somali ah oo iyana been abuur ahayd oo lala gubey Doolarka.

Wasiir ku xigeenada Amniga iyo Maaliyada Puntland ,maamulka gobolka Mudug iyo Taliye xigeenka booliska Puntland iyo dadweyne ayaa ka soo qaybgalay saxaafada lacagtana loo soo bandhigey.

Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ku xigeenka wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegey in lacagtan maanta gubeen ahayd mid hadii ay suuqa geli lahayd lagu dhici lahaa ganacsatada oo in badan aan dareemi karin lacagtan faalso inay tahay.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in sharciga la hor kaeni doono shaqsi walba oo danbi dalka ka gala,waxana uu arinkaana ku sheegay in ay ahayd danbi culus oo aan la iska cafinayn.

Amaanka Magaalada Galkacayo ayuu Cabdi Jamaal hadalkiisa ku soo danbeysiiyey inuu yahay mid laga shaqeeyey.

Dhankiisa ayaa wasiir xigeenka Maaliyada Cabdirixman Xaaji Xasan ayuu sheegay in lacag falso Somali ah ay hada ka hor qabteen ,isagoona ku goodiyay in cid walba oo daneenaysa isdaba marin aysan meelna ciidnka Puntland aysan ka gaarayn .

Lacagaha faalsada ah ayaa badi laga keenaa Koonfurta Somalia gaar ahaan Muqdisho ,waxana ay dhabar jab ku noqon lahayd dhaqaalaha dalka oo hadaba aad qiimo dhac ugu yimid Doolarka oo marayo halkiisu 21 Kun oo shilinka Somaliga ah.

Isha: GO