Arag Sawirrada: Sanad guuradii 20-aad Damul Jadiid oo la xusay.

Xaflad loogu dabaal degayay Sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegatay Markii la Aasaasay Ururka Islaamiga (Damul Jadiid) ayaa lagu qabtay Magaalda khartuum.

Xafladan oo si heersare ah loosoo agaasimay ayaa lagu maamusayay Sanad Guuradii 20-aad ee kasoo wareegata Markii la yagleelay Xarakada Ismaaliga ah Al-Islaax (Damul Jadiid), taasi oo ay kasoo qeyb galeen Jaaliyada Soomalieed ee kusugan dalka sudan, Arday, aqoonyahano, Macalimiin, Waxgarad, Saxafiyiin iyo Masuuliyiinta sar sare ee Safaarada Soomaalida ay ku leedahay Magaalada Khartuum ee Xarunta Dalka Suudaan.

Munaasabda oo aan loo kala harin ayaa aheyd mid Heer sare ah waxaa ugu horeyn lagu soo Bandhigay Suugaan ka Tarjumaya Maalmaha CIida iyo Qiimaha ay leedahay Wadaniyada, iyadoo sidoo kale ay meesha kusoo Bandhigeen Abwaaniin ka kala Socday Somaliya iyo jabuuti Barnaamijyo ay ku Muujinayaan Hidaha iy DHaqanka Labada Dal ee Walaalaha ah.

Munaasabadan ayaa hadal kooban ka jeediyay Madaxa Kulanka Dhalinyarada Soomaalieed Mudane Yusuf, wuxuuna umahad naqay kasoo qeybgalayaasha Munaasabdan, isagoo umadda Soomaaliyeed ilaahey uga baryay inuu dhibaata heysata ka saaro.

Sidoo kale Masuuliyiintii Goobta ka hadashay waxaa ka mid ahaa Qunsulka Safaarada Somalida ee dalka Suudaan Ibraahim Guure kaas oo sheegay in ardayda looga baahan yahay in ay lashaqeeyaan Dowladda Federaalka si looga baxo dhibaatada heysata Dowladda, isagoo intaa raaciyay in dowlada aynan shaqeyn karin hadii aan lahelin dad la shaqeeya.

Qunsuka ayaa Mahad Balaaran usoo jeediyay Dowladda Dalka suudaan oo uu Sheegay in ay Gacan tii ugu wanaagsaneyd ay siisay Somalida kuwaas oo u oomanaaa Waxbarashada.

Munaasabadan oo ah Mid Sanadkasta Maalinta Sadaxaad ee Ciidul Adxaha ah Lagu Jamciyo Dhalinyarada Somaliyed ee Reer Suudaan ayaa waxaa soo Qaban Qaabiyay Kulanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan (Islaax-Damul Jadiid) iyadoo ay Munaasabadan ku soo idlaatay Jawi heer sare ah aan hore loo arag.

Kooxda Damul Jadiid, waa kooxda uu ka tirsan yahay madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud.

Daawo sawirrada

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan