Daawo Sawirrada: Xildhibaano British ah iyo Xasan Sh oo Xamar ku kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wafdi ka socday Dowladda UK oo uu ka mid ahaa Tony Baldry MP oo xildhibaan ka ah UK. Waxaana goob joog ahaa Safiirada labada dal Neil Wigan iyo Cabdullahi Simbaloolshe. Madaxweynaha ayaa yiri “UK waxan uga mahadcelineynaa hormuudkooda wanaagsan ”

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa marka hore uga mahad-celiyey Mudanaha booqashaduu uu ku yimid Soomaaliya yirina “aad ayaan uga mahad-celinayaa booqashada Xildhibaanka waxay muujineysaa xirriirka dhow ee ka dhaxeeya labadda Dowladood iyo labada shacab”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay wafdiga ka socday Dowladda Ingiriiska xiriirka labada dal, isla markaana warbixin kooban ka siiyey xaalada dalka iyo qorsheyaasha ay dowladdu hiigsaneyso sanooyinka soo socda. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladda Inagriiska waxay ka mid tahay Dowladaha teegeeradda la garab-taagan Dowladda Somaaliyeed, waxayna diyaar la yihiin in ay sii wadaan, aad ayuuna u siixoogeysanayaa xirriirka nalaga dhaxeeya Dowladda Inagriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay iskaashiga labadda Dowladdeed iyo sidii dowladda Inagriiska ay kaalin buuxda uga qaadan lahayd mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Dowladda UK inay safaaradeedu ka howlgashay Muqdisho.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in Dowladdu ay juhdi xoog leh ku bixineyso xoojinta xirriirka ay la leedahay wadamadda Caalamka iyo xasilinta dalka.

uk1uk2uk3uk4

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com