Sawirro iyo Warbixin: Iskuulka cajiibka ah ee Turkiga uu ka dhisay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka dugsiga sare ee Beder ee Turkiga uu ka dhisay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay  waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dugsigaasi.

Dugsiga sare ee Bedir oo ay maamusho dowladda Turkiga ayaa ku talaabsaday horumar wax ku ool ah, iyadoo mas’uuliyiinta maaulka dugsigaasi ay sheegeen iney sii kordhoyso tirade ardayda wax ka barata dugsigaasi.

Iskuulkaasi oo la furay sanadkii 2011 waxaa barayaal ka ah macalimiin isugu jira Turkey, Masaari iyo Somaali, mas’uuliyiinta dugsigan ayaa sheegay in ardayda dhamaysata waxbarashada kuna guuleysata in ay buundo wanaagsan helaan ay waxabarasho jaamacadeed ka heli doonaan dalka Turkiga.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegtay in ay mustaqbalka dhaw qorshaynayaan in jaamacad ay ka dhisaan magaalada Muqdisho, waxaana guud ahaan Soomaaliya ka furan Afar Iskuul oo sidaan u waaweyn kuwaas oo Sadax ka mid ah ay ka furanyihiin magaalada Muqdishu halka kan Afaraadna uu ku yaal magaalada Hargaysa.

Sanadihii 2011 ilaa 2013 wuxuu dugsigani soo hooyay 22 biladood oo qaali ah, kuwaas oo ay ka soo kale heleen wadamada Azerbaijan, Kazakhstan, Turkey, Kenya iyo Tanzania, biladaha ay ardada Soomaaliyeed soo hoyeen ayaa isugu jira Dahab, Qaalin iyo Maar.

Dugsigan ayaa leh hoolal shirarka loogu tala galay, uniform u gaar ah, qeyb jiif iyo cuno, cafeteria, dukaan, gym, garoon kubada cagta iwm.

Arintan ayaa qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee walaalaha Turkigu ugu talo galeen dadaka Soomaaliyeed.

badar1badar2badar3badar4badar5badar6badar7badar8