Daawo Sawirro: Amiirka Qadar oo gaari ilaalo la’aana ku wareejinaya Erdogan

Doha (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Qadar ayaa si aada u baahineysa sawiro muujinaaya Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani oo magaalada Doha ku wareejinaaya dhigiisa Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Amiirka Sheekh Tamim ayay kaamiradu qabatay isagoo wada gaari khaas ah oo uu shirka hore ka saaran yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo socdaal ku gaaray Qadar.

Gaariga ay sida wada jirka ah u saarnaayen Tamim iyo Erdogan ayaa waxaan wehlin gaawaaridii badnaa ee la socon jiray madaxda, waxaana xusid mudneyn inay la socdeen keliya laba dhalinyaro oo ilaalo gaara u kala ahaa labada mas’uul.

Gaariga ay labada mas’uul wada saarnaayen ayaa si caadi ah u dhex socday magaalada Doha, waxa uuna gaarigaasi kamid ahaa toboneeyo wadada isticmaalaayay sida ay baahisay warbaahinta Qadar.

Qorshaha magaalo ku wareejinta Erdogan ayaa waxaa lagu micneeyay mid Madaxweynaha Turkiga lagu tusaayay heerka amni ee ka jira dalka Qadar.

Erdogan

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com