Turkiga oo weli ku jahwareersan xalinta khilaafka dowladaha Khaliijka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu, oo wareysi siinaayay Tv-ga dowlada ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay si cad ula safan doonto Qadar, haddii aan Xulafada Sacuudiga qaadan wadahadal.

Wasiirku waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay dhex dhexaad ka tahay xiisada Khaliijka balse ay cadeyn doonto mowqifkeeda saxda maadaama lagu tiraayo Qadar.

Mar wax laga weydiiyay suuragalnimada in xiisada jirta aawgeed ay dowlada Turkiga xiriirka u jarto Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa waxa uu sheegay in Turkiga uu qaadi doono talaabo cad oo lid ku noqon doonta Xulafada Sacuudiga, waa haddii aan loo hogaansamid wadahadalka ay dalalka xiisada u dhexeyso ka dhex abuurayaan Kuwait iyo Turkiga.

Mevlut Cavusoglu, waxa uu tilmaamay inay u siman yihiin dhammaan dalalka uu khilaafka u dhexeeyo, balse ay aad uga soo horjeedan waxa uu ku sheegay dulmi iyo garab istaaga dowladaha danaha gaarka ah ka leh xiisada.

Waxa uu xusay in ujeedka socdaalka Madaxweyne Erdogan ee dalalka Khaliijka uu yahay mid lagu raadinaayo jawi Hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Qadar lagu wada hadalsiinaayo, balse uusan aheyn mid laga leeyahay dano kale.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dalalka saaxiibada la’ ah Sacuudiga ay gaarsiin doonaan natiijada kasoo baxda xalinta xiisada oo Turkiga ay ka dhexwado labada dal.

Haddalka Wasiir Mevlut Cavusoglu oo ahaa mid dheer ayaa waxaa laga dareemayaa in dowlada Sacuudiga ay si dadban u carqaladeyneyso waanwaanta bilowga ah ee laga dhexwado.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com