Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa waxa ay ka dhacday dalka Indonesia kadib markii Qabiil kamid ah Qabaa’ilada dalkaasi ay caado iyo dhaqan ka dhigteen in Meydka ay aasan isagoo taagan.
Qabiilkaani ayaa waxaa lagu magacaabaa Tana Toranjans ayaa caado u leh in Meyda aysan u aasin sida Meyd caadi ah, balse waxa ay ku aasan istaaga taasi oo la yaab ku noqota Qabaa’ilada kale ee dalkaasi.
Deegaanada ay degaan Qabiilkaani ayaa waxaan xiliyada qaar suuragal noqoneynin in laga dhisto guryo waxaadna arkeysaa lafo iyo madaxyo kasoo jeeda dhulka.
Qabiilkaani ayaa qaba dhaqan inbadan ka duwan dhaqanada kale oo ay heystaan Qabaa’ilada kale marka laga hadlayo dadka ka dhinta.
Sidoo kale, Qabiilkaani waxa ay Meydadkooda ku xabaalan buuraha dhagaxa ah oo ay iyaga oo taag-taagan geliyaan.