Weerar Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu hadda ka dhacay agagaarka Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay meel u dhow Idaacada Dalsan, waxaana iminka la maqlayaa rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamada dowlada ee eeryadaasi ku sugan.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dadka dhintay kamid ahaa Askar ku sugneyd meel aan sidaa uga sii fogeyn Idaacada.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay weerarka waxaana iminka halkaasi ka dhacaaya rasaas aad u xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com