Somalia: Wasiiro isku casilaya xafiis la’aan iyo musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya dhaliilo kala duwan oo loo jeedinaayo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guulleed taa oo salka ku heysa ka gaabinta howlaha maamulka.

Dhaliisha ugu badan ayaa waxaa Madaxweyne Guuleed u jeedinaaya Xildhibaanada maamulka kuwaasi oo sheegay in Galmudug loogu tallo galay inay ka hooseyso maamulada kale.

Xasan Cali Dhuxul oo kamid ah Xildhibaanada maamulka ayaa sheegay in Madaxweyne Guuleed uusan mas’uuliyad iska saaran Maamulka, waxa uuna tilmaamay in fashilka taagan ay markhaati u tahay Iscasilaada is xigxigta ee Wasiirada maamulka.

Dhuxul, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee Iscasilaada Wasiirada maamulka ay tahay xafiis la’aan ka taagan xarumaha maamulka.

Wasiirada qaar ayuu sheegay in dhowr jeer ay direen cabashooyin ku aadan xafiis la’aanta balse Madaxweynaha maamulka uusan qaadin talaabooyinkii laga filaayay.

Waxa uu Madaxweynaha Maamulka Galmudug ku eedeeyay in shaqada Maamulka Galmudug uu isaga isku koobay islamarkaan aysan jirin howl ay qabtaan xubnaha kale ee ku jira maamulka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay u yeerayaan C/Kariin Xuseen Guuleed islamarkaana ay kala xisaabtamayaan xafiis la’aanta Wasiirrada,Mushaaraadka maqan iyo shaqo la’aanta heysata Wasiirrada ku jira Mamaulkiisa.

Qeyla dhaantaani ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dhowr Wasiir oo xilal ka hayay maamulka Galmudug ay shaqooyinkooda isaga casileen Xafiiso la’aan iyo Mushaar aan lasiin muddo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com