Diblomaasiyiin Turkish ah oo arrin yaab leh ka sameeyey dalka Jarmalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ay baahisay Dowlada Germany ayaa waxaa lagu sheegay inay heleen codsi kaga imaaday Diplumaasiyiin kasoo jeeda dalka Turkiga kuwaasi ooo weydiistay magangalyo Siyaasadeed.

Warbixintaani oo kasoo baxday Wasaarada arimaha gudaha Germany ayaa waxaa lagu cadeeyay in Diplumaasiyiintaasi ay tirro ahaan gaarayan 35 diblomaasiyiin.

Dowlada Germany waxa ay sheegtay in Diplumaasiyiintani ay la shaqeeyen dowladihii hore iyo tan hadda heysa talada dalkaasi.

Germany waxa ay sheegtay in Diplumaasiyiinta isku soo dhiibay ee magangalyada weydiistay uu kamid ahaa Korneyl lagu magacaabo Ayhan Dagli oo kamid ahaa Diplumaasiyiinta Safaarada Turkiga ee Berlin.

Dowlada Germany waxa ay sidoo kale sheegtay inay jiraan Diplumaasiyiin kale oo ay ka diiden inay siyaan Magangalyo Siyaasadeed.

Haddalka kasoo baxay Dowlada Germany ayaa kusoo beegmaya xili ay dowladaasi afganbiga Turkiga kadi dhiibtay Saraakiil qeyb ka ahaa Afganbiga Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com