Gudiga doorashooyinka oo shaaciyay waxyaabaha mamnuuca ah xiliga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabaha la mamnuucay xiliga ay socdaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Cumar Maxamed Cabdulle Dhagey. gudoomiyaha doorashada dadban ee sanadkaan ayaa sheegay in aaladaha wax sawiri kara laga mamnuucayo hoolalka ay doorashooyinka ka dhacayaan.

Mobeylada iyo aaladaha kale ee kaamirooyinka wax sawiraya ayuu sheegay in laga mamnuucayo goobaha doorashoyinka ay ka dhacayaan.

Ujeedada laga leeyahay arimahaasi ayuu sheegay iney qeyb ka tahay qorshaha looga hortagayo yareynta musuq maasuqa iyo in baro bagaan laga sameeya goobaha doorashada.

Dhinaca kale Cumar Dhagey ayaa rajo ka muujiyay in xiliga la qorsheeyay ku dhacdaa doorashada.

“Rajada aad bay u muuqataa, marka aad ka qiyaas qaadan karto doorashadii aqalka sare, waqtigii loogu talo galay qaar way ku dhacday, waqti ku dhawna kuwa kale ayaa la qabtay, hadda waxaa diyaar ah goobihii codbixinta”

“Howlwadeenadii shaqada qaban lahaa waa diyaar, mar haddii ay howsha socoto, waxaan qabnaa in ay ku dhamaan doonto waqtigii loogu talagalay, ama mid aan ka fogeyn”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com