DF oo lagu soo celshay codsi caalami ah oo ay u dirtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia Somalia ayaa laga mamnuuca inay wadahadal la furto Dowladaha ku bahoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyay COMESA.

Dowladahaani ku bahoobay Suuqa, ayaa sheegay in Somalia iyo Tunisia aysan wadahadal la furi doonin si ay uga wada xaajoodaan Sharuudaha iyo Heshiiska Guud ee u yaalla Suuqa COMESA.

Dowladaha ku bahoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika, ayaa labadaani wadan ku helay caga jiid ku aadan hirgalinta dhanka shuruucda Suuqa.

Mr Mwangi Gakunga oo ah Afhayeenka Suuqa COMESA, ayaa sheegay inaan wali la qeexin mudada ay Madaxda dalalkaasi go’aan kama danbeys kaga qaadan doonaan Somalia iyo Tunisia, balse waxa uu sheegay in go’aanka hadda soo baxay uu yahay in labadaasi wadan aan laga aqbalin wadahadal.

Dowladaha ku bahoobay Suuqa ayaa horay u sheegay inay diiden Codsi kaga imaaday Dowlada Somalia, kaasi oo ku aadan ku biirista Suuqa xorta ee Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee COMESA.

Dowlada Somalia wax war ah kama soo saarin go’aanka ay Dowladaha ku bahoobay Suuqa xorta ah uga mamnuuceen kamid noqoshada Suuqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com