Cosoble: “Amarkeyga hala qaato ama waan idin kala farjinaa”

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble oo kulamo kala duwan la qaadanaaya xubno ka tirsan maamulkiisa oo soo xulaaya Xubnaha Aqalka Sare ee maamulka.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cosoble waxa uu Xubnahaasi kuwar galiyay inay qaatan talooyinkiisa isagoo ku goodiyay haddii la diido inuu kala farjin doono, isla markaana uu soo xulan doono kuwo cusub.

Cosoble waxa uu xubnahaasi ku wargaliyay in wakhtiga uu yar yahay, go’aankiisuna uu yahay mid qaadasho leh oo aan laga tagikarin.

Xubnaha lasoo xuli doono ee Aqalka Sare u matalaaya Beelaha labada Gobol dega ayuu sheegay inay noqdaan kuwo isaga ka gadmi doona waxa uuna u cadeeyay in uusan qaadan doonin shaqsi waliba maadaama wakhtiga uu yar yahay.

Waxa uu sidoo kale Xubnahaasi qeybta ka ah Ergooyinka soo xulaaya Aqalka Sare u sheegay inay ka mideysnaadan hadafka lagu xulaayo Xubnaha Aqalka Sare.

Geesta kale, Cosoble ayaa sheegay in Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle hada wixii ka dambeeya ay ku bilaaban doonaan si dar dar leh.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com