Ciidamo ajaanib ah oo goordhow kasoo degay magaalada Cadaado

Cadaado (Caasimada Online)-Magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug ayaa waxaa goordhow la keenay ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaasi oo ka howlgali doona magaalada.

Ciidamadaani la keenay magaalada ayaa ka kala socda wadamada Jabuuti iyo Burundi, kuwaasi oo tirro ahaan dhan ilaa 70 Askari oo aad u gaashaaman.

Ciidamadaani ayaa hordhac u ah ciidamo kale kuwaasi oo dhawaan la filaayo in lasoo gaarsiiyo magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa loo qorsheeyay Ciidamo tirro ahaan lagu sheegay 400, balse maanta ay Magaalada tageen Qeybtii ugu horeysa ee Askarta.

Ciidamadaani ayaa la geyn doonaa goobaha ugu muhiimsan si ay u xaqiijiyaan amaanka magaalada, gaar ahaan amniga goobaha ay ka dhici doonto doorashooyinka.

Maamulka Galmudug wali kama hadal ciidamadaani maanta la keenay magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com