Xog: Shariif Xasan oo warqado dacwad ah u gudbiyay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan uu warqado dacwad ah u gudbiyay Dowlada Ethiopia.

Warqadaha dacwada ah ayaa la sheegayaa inuu ka gudbiyay Taliyayaasha hogaaminaaya Ciidamada Ethiopia ka jooga Baydhabo, kadib markii ay ciidamada ka kaxeysteen Shariif Xassan.

Taliyayaasha dacwada laga gudbiyay ayaa amar ku kaxeeyay ciidamo dhowr ah oo ilaalo u ahaa Shariif Xasan.

Taliyayaashaani ayaa ciidamadaasi ku daray Cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia kuwaasi oo dib loogu celshay dalkooda oo uu ka jiro xaalado degdeg ah.

Dacwadaani ayaa la sheegay inay gaartay Xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo Wasiifka Arrimaha Dibadda si ay wax uga qabtaan arrintaasi taagan.

Dhinaca kale, Shariif Xassan ayaa ku dooday in amaankiisa aysan ku filnaan karin ciidamada maamulka balse uu doonaayo inuu ku kordhisto kuwa Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com