DF Somalia oo beenisay hadal kasoo yeeray dowlada Turkiga

Muqdisho (Caasimada 0nline) – Dowlada Somalia ayaa si adag u beenisay wararka sheegaya in Dowlada Turkiga ay Somalia ka furaneyso Saldhig Ciidan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia C/salaan Cumar Hadliye, ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin wararka ay baahiyeen warbaahinta Caalamka iyo kuw wax ku qora Afka Soomaaliga ee ku aadan in Dowlada Turkiga ay Magaalada Muqdisho ka furaneyso Saldhig Ciidan.

Hadliye waxa uu sheegay in Dowlada Somalia aysan garaneynin halka lagu galay heshiiska ay Dowlada Turkiga Saldhiga uga furaneyso Somalia.

Waxa uu sheegay in Dowlada Turkiga ay mudan tahay in Somalia ay la wadaagto wax waliba balse aysan wali helin codsi muujinkara in Saldhig ay ka dhisanayaan Somalia.

Hadliye waxa uu beeniyay in Dowlada Turkiga ay Saldhigaasi ka furaneyso Somalia.

Dowlada Turkiga ayaa dhawaan sheegtay in heer gabagabo ay mareysyo dhismaha Saldhigaasi.

Dowlada Turkiga waxa ay sheegtay in Saldhigaasi ay ka dhiseyso eeryada Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Hadalada kasoo kala baxay labada Dowladood ayaa u muuqanaaya kuwo is beeninaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com