R/W CC oo si cad u diiday arrin ay u soo bandhigeen odayaasha Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Odayaasha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid uu diiday inuu xaliyo colaada Galmudug iyo Puntland.

Nabadoon Maxamed Cali oo kamid ah Odayaasha Gaalkacyo ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka uu si cad u diiday inuu ka qeybqaato dadaalada lagu daminaayo colaada.

Nabadoon Maxamed waxa uu sheegay in Ra’isul wasaare cumar uu ka cudurdaartay inuu gacan ka geysto daminta colaada.

Nabadoonka waxa uu sheegay inaanu wakhti u heyn xal u raadinta colaadaasi waxa uuna si cad u sheegay in dagaalka uusan aheyn mid maalmo lagu xalinkaro.

Sidoo kale, Nabadoonka waxa uu carabaabay in Cumar C/rashiid uu diiday inuu lug ku yeesho colaada taagan,isagoo xalinta colaadaasi ku amray odayaasha labada Gobol.

Arrintaani ayaa imaaneysa kadib markii Ra’isul wasaaraha uu ku cudurdaartay dhameystirka ololihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com