25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo Sawirrada: Wasiir lagu dilay MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Dambi baarista iyo kuwa sida gaar ah u baara Qaraxyada ayaa gaaray goobtii uu ka dhacay Qaraxii lagu dilay Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumaddii Nuur Cadde.

Wasiirkii hore ee Qaraxa lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim, waxa uuna xiliga Qaraxa kasoo baxay hooygiisa waxa uuna gaariga kula qarxay agagaarka Isgoyska KM 4 ee magaalladda Muqdisho.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi isku gadaamay Ciidamada NISA iyo kuwa Boliska oo garabsanaaya kuwa dambi baarista iyo Miinooyinka waxa ayna halkaasi ka qaaten qaar kamid ah qalabkii loo adeegsaday Qaraxa.

Waxa ay goobta ka xirxireen ilaa Seddex ruux oo xiliga Qaraxa ku dhuumanaayay goob aan halkaasi ka fogeyn.

Marxuum Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa markii ugu danbeysay waxa uu ahaa la-taliye dhanka Siyaasadda BFS.
QARAX5

QARAX1

QARAX2

QARAX3

QARAX4

- Advertisement -

Read more

Local News