Daawo Sawirrada: Shirkii u dhexeeyay Puntland iyo BEESHA CAALAMKA oo lagu kala booday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa fashil kusoo dhamaaday kulamadii saacadihii ugu danbeeyay u dhexeeyay Madaxda maamulka Puntland iyo kuwa wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Garoowe.

Ilaa laba kulan oo dhexmaray madaxda Puntland oo uu ugu horeeyo C/wali Gaas iyo Beesha Caalamka oo uu horkacaayay wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating.

C/wali Gaas ayaa si cad ugu gacanseeray codsiga wakiilada Beesha Caalamka, waxa uuna Gaas sheegay in isaga iyo shacabka Puntland aysan diyaar u aheyn inay qaatan natiijada kasoo baxday shirkii wadatashiga ee kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho kaasi oo ahaa in la qaato nidaamka 4.5.

Ergooyina Beesha Caalamka ka socda ayaa u socdey hal qorshe oo ah in ay Shacabka Puntland ka gadaan nidaamka doorashada ee 4.5, ee DFS go’aanka ku gaartey.

Labadii shir ee dhexmaray Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka waxa uu biyo dhiciisu noqday kala bood, waxaana cadeyn u ah Sawirada Hoos ka muuqda oo muujinaaya Carada ay Beesha Caalamka ka qaaday Fadhiyadii ay la qaaten maamulka Puntland kaasi oo ugu danbeyntii ay Beesha Caalamku caro uga baxday shirkii socday.

Maamulka Puntland iyo Wakiilada ayaa iminka mar kale isla eegaaya kulamo kale oo looga gudbaayo Khilaafka iyo kala boodka labada dhinac.

Dhanka kale, Wakiilada Beesha Caalamka oo maalintii Seddexaad ku sugan magaalada Garoowe, ayaan wali gaarin wax natiijo ah, waxa uuna dhamaan kulamadoodu kusoo idlaaday fashil, markii laga reebo dhageysiga ay Beesha Caalamku dhageysaneysay cabashooyinka Maamulka iyo Ururada Bulshada Puntland.
1

2

3

4

5

6

7