Sawirro muujinaya fashilka haysta M/G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa baryahaani danbe soo ifbaxaayay warar sheegaya in Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir uu dib u luminaayo bilicda Goobaha ay ka taliso DFS , gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maamulka oo dhaqaale xoogan ka qaada dadka ku nool magaalada Muqdisho si loo ilaaliyo bilicda magaalada, ayaa waxa uu maamulka qashinka uu ka qaado gudaha magaalada ku shubaa isla qeybo kamid ah magaalada taasi oo dhalisay in maamulka uu sabab u noqdo cuduro ka dhasha qashinkaasi oo ku dhaca carruurta iyo dadka da’da ah ee aan u adkeysan karin xanuunada ka dhasha wasaqda.

Gaadiidka qashinkaasi ka qaada magaalada ee ku daadiya daafaha magaalada ayaa waxaa leh dowladda Hoose ee Xamar, waxa ayna tani qeyb ka noqoneysaa Fashilka iyo dhaqaale aruuruska dhowr jeer lagu eedeeyay maamulka Gobolka Banaadir ee uu horboodaayo Sheekh Yuusuf.

Goobaha lagu daadiyo qashinka ayaa waxaa u qaraab doonta boqolaal muwaadiniin ah kuwaasi oo shaqo la’aan ku heysato magaalada islamarkaana doorbiday in qashinkaasi ay ka raadsadaan waxyaabo anfaca oo leyska soo fogeeyay.
11

22

33

44

55

66

77

88