Xog: Beesha 5-aad oo Jowhar ka wadda qorshe uu soo dejiyay Faarax C/qaadir iyo Hawiye oo…

Jowhar (Caasimada Online) – Beesha Shanaad ayaa olole weyn ugu jirta inay qabato hogaanka maamulka cusub ee lagu dhisayo magaalada Jowhar, kaasoo ah maamulka ugu dambeeya maamul goboleedyada dalka, waxaana socda qorshe ay beeshaasi isugu diyaarineyso.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la sheegay inuu beesha u yahay musharax, waxayna beesha Shanaad ku doodeysaa inay xaq u leedahay inay maamulada dalka ka jira ku yeelato madaxweyne iyo maamul ay hogaankiisa heyso kadib markii maamuladii kale ay yeesheen hogaan beelaha kala ka soo jeeda.

Shirweyne lagu doonayo in musharaxa beesha lagu soo bandhigo ayaa laga qabanqaabinayaa magaalada Muqdisho, waxaana hoos ahaan u socda isbaheysi ay yeelanayaan dhammaan beelaha yaryar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo kasoo horjeeda in musharax ka soo jeeda Abgaal ama Xawaadle uu qabto hogaanka maamulka dhismihiisu ka bilaabanayo magaalada Jowhar.

Inkastoo arrintan ay tahay mid siyaasad ahaan iyo degaan ahaan adag, haddana waxaa jira astaamo muujinaya inta badan beelaha dega labada gobol ee aan ahayn labada beelood ee ugu tunka weyn inay ka mideysan yihiin in go’doominta labadaas beelood ee awoodda is biday.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com