26.2 C
Mogadishu
Sunday, May 31, 2026

Warbixin: Beelo kale oo ka baxay shirka Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan maanta ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ka caroodeen beelo kasoo jeeda gobolka Hiiraan kuwaasi oo gabi ahaanba shirka isaga baxay.

Waxaa maanta markale hakad uu ku yimid qorshaha la doonayaa ee ahaa in lagu xareeyo ergada soo xuleysa baarlamaanka uu yeelano maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, maadaama beelaha aysan ku qanacsaneyn sida wasaarada arimaha gudaha iyo madaxtooyada Soomaaliya wax u wadaan.

Beesha Gaaljecel ayaa shalay shaacisay iney isaga baxday shirka ka socdo magaalada Jowhar, waxaana maanta lagu soo waramayaa in beelaha Jareer weyne iyo Xawaadle ay ka caroodeen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin saluuga ay muujinayaan beelaha daga deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana magaalada Jowhar ku sugan Mahad Maxamed Salaad wasiiru dowlaha xukuumada Soomaaliya oo si aan la shaacin shirkan loogu xil saaray.

Beelaha qaarkood ayaa sheegay ineysan kusoo laaban doonin shirka ilaa ay ka helaan xaq ahaan waxay u leeyihiin, waxaana la dhaliilsan yahay qaabka loo qeybinayo ergada shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News