Daawo Sawirro muujinaaya sida uu manta Muqdisho ugu Qarxay gaariga

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Qarax gaari ayaa galabta waxa uu ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray ruux la sheegay inuu la shaqeynayay mid ka mid ah Hay’adaha samafalka, waxaana dhaawac uu soo gaaray isaga iyo qof kale oo gaariga la saarnaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu la socday nin magaciisa lagu soo koobay Cabdixafiid, oo la shaqeeya mid ka mid ah hay’adaha gar-gaarka.

Xaaladda Cabdixafiid, ayaa la sheegey in ay liidato, iyadoo ay dhaqaatiirtu hadda la tacaalayaan.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan dabagalka raggii falkan ka dambeeyay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu u muuqdaa mid faraha ka sii baxaya, maadaama labadii Todobaad ee la soo dhaafay ay dhaceen Afar qarax ay ku dhinteen dad ka badan 25 qof.