Faafaahin ku saabsan Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhaco qarax .

Wararka hordhaca ah oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu ahaa qaraxaas mid lagu xiray gaari uu lahaa qof.

Gaarigaan ayaa la sheegay inuu ahaa nooca raaxada wuxuuna marayey laami yaraha Soobe ee Degmada Wadajir.

Illo xog ogaal ah ayaa Caasimadda u xaqiijiyey inuu gaarigaas watay mid kamid ah Shaqaalaha Hey’adaha Samafalka.

Waxaa qaraxaas ku dhaawacmay mid kamid ah Shaqaalaha ICRC oo saarnaa gaarigaas,  waxaana gubtay gaariga guud ahaantiisa maadaama qaraxa lagu xiray uu ahaa mid culus.

Sidoo kale wararka ayaa sheegayo inuu qarax ku dhaawacmay qof kale oo ninkaan gaariga la saarnaa, waxaana hadda dagan meesha uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana meesha laga qaaday dadkii ku dhaawacmay

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiineynaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com