Shaqaalihii Xafiiska maamulka hawada Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray Xili dowladda wali aysan awoodin maamulkeeda

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray shaqaalihii ka shaqeynayay Hay’adda maamusha hawada Somaliya ee ICAO iyada oo ay maanta kaddib ku shaqeyn doonaan Magaalada Muqdisho.

Wasiirka duuliska Hawada ee xukumada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar oo horkacayay mas’uuliyiin soo dhoweysay shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay inay gaareysay 34 ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo guul ay u tahay Dowlada Soomaaliya, isla markaana Muqdisho maanta ay keeneen 34 ka mid ahaa shaqaalihii ka shaqeynayay xafiiskii maamulayay Hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wasiir Omaar waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in ugu dambeyn maamulka Hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho,iyada oo dhamaadkii sanadkii hore la soo wareejiyay qalabka maamulka Hawada xariggana uu ka jaray Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay wasiirka shaqaalahan ay Nairobi ku shaqeynayeen tan iyo sanadkii 1993-kii, haatanna ay Muqdisho si rasmi ah ugu shaqeyn doonaan.

Maamulka Hawada ayuu sheegay in sidoo kale weli laga sii maamuli doono magaalada Nairobi inta ay xarumo kale ka dhisayaan gudaha dalka, si haddii meel ay wax ku yimaadaan meesha kale usii shaqeyso.

Dhanka kale, wasiirka ayaa tilmaamay in ay jiraan arday u diiwaangishan si tababar loogu soo siiyo qalabka maamulka hawada, ka wasaarad ahaanna ay dedaal badan bixinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com