Kim Jong-un oo la xaqiijiyey inuu booqday China xilli uu sameeyey ballan-qaad saabsan nukliyeerka

Beijing (Caasimada Online) – North Korea iyo Shiinaha ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuu hogaamiyaha mayalka adag Kim Jong-un soo booqday caasimadda Beijing ee dalka Shiinaha.

Sidaas darteed, Mr Kim ayaa markii ugu horreysay safar ku tegay dal ajnabi ah tan iyo markii uu taliska Waqooyiga Korea la wareegay sannadkii 2011kii.

Wakaalada wararka China ee Xinhua ayaa ku warameysa inuu Kim Jong-un wadahadallo guulo laga gaaray la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Shiinaha ayaa isbahaysi xoog leh oo dhanka dhaqaalaha ah uu kala dhexeeyaa Waqooyiga Korea, Mr Kim ayaana la filayaa inuu haatan booqasho ku tago Koofurta Korea iyo Mareykanka ka dib safarkiisii la yaabka lahaa ee uu tareenka kusoo galay ee uu ku timid Beijing.

Hogaamiyahaan ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka ay deriska yihiin ee South Korea Madaxweyne Moon Jae-in goordambe oo bisha soo aadan ee April ah, halka uu bisha May kulan la yeelan doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mr Kim waxaa safarkiisii tareenka ee Axadii ku wehliyey xaaskiisa Ri Sol-ju, wuxuuna ka tegay Beijing galabnimadii Talaadadii, sida ay wararku sheegayaan.

Intii uu socday wadahadalkii ay yeesheen Mr Kim iyo dhiggiisa Shiinaha wuxuu ballan qaaday inuu diyaar u yahay wareejiyo hubka nukliyeerka, balse ay tahay in marka hore laga aqbalo shuruudaha uu miiska usoo saari doono, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka Xinhua ee dalka Shiinaha.

Caasimada Online

Xafiiska Beijing

Caasimada@live.com