DEG DEG: Xildhibaannadii ugu dhallinta-yareyd Britain oo geeriyootay

London (Caasimada Online) – Xildhibaannadii ugu dhallinta-yareyd Britain ee taariikhda lasoo doorto ayaa si lama filaan ah u geeriyoortay.

Clarissa Slade, oo 21 sanno jir aheyd, lana soo doortay sannadkii 2015kii, markaasoo ay aheyd 18 sanno jir, si ay u matasho degaanka Tiverton, ayaa waxay aheyd xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Conservative-ka Britain.

Si kastaba ha ahaatee, meydkeeda ayaa laga soo helay gurigeeda oo ku yaalla Winchester, degaankaasoo ay Jaamacad ka dhiganeyd, waxaana meydkeeda helay shaqsi ay isku guri deganaayeen.

Aabaheed Colin Slade ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay naxdin ku noqotay geerida ku timid gabadhiisa, oo uu ku sheegay mid dooneysay inay saameyn weyn ku yeelato siyaasadda UK.

Illaa haatan lama garanayo sababta ay u dhimatay Xildhibaanad deegaankii ugu dhallinta-yareyd taariikhda Britain.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay Jaamacadda University of Winchester ayaa sheegay inay naxdin qoto-dheer ku noqotay geerida ku timid Clarissa Slade.

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com