Erdogan oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Netanyahu iyo Yahuudda

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa uu argagixiso ku tilmaamay Ra’isalwasaaraha maamulka Israel isaga oo maamulkaasna ku sheegay maamul argagixiso.

Ciidanka Israel waxaa ay Jimcihii dileen 17 Qof oo Falastiiniyiin Rayid ah,waxaana ay dadkaasi dhigayeen banaanbax ka dhan ah Israel.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in falka ay geysteen Ciidanka Israel uu yahay mid laga argagoxo,waxaana uu cambaareeyay maamulka Israel.

Ra’isalwasaaraha Israel Natenyahu ayaa diiday Cambaareynta Erdogan,waxaana uu bogaadiyay Ciidamadiisa laayay shacabka Falastiiniinya ah isaga oo sheegay in Ciidanka Israel ay ka hor tageen Qatar shacabka Israel ku wajahneyd.

Mareykanka ayaa diidmada qayaxan u adeegsaday Qaraan Cambaareenayay Israel oo ay Golaha amaanka geysay Kuwait.