Qabyo iyo Daljir oo fashiliyay waanwaantii Madaxweynaha iyo Jawaari oo ka baxay ballantii ay wada galeen Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah u fashilmay waanwaantii laga dhex waday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaanadii doonayey inay xilka ka qaadaan Maalintii Sabti aheyd ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u amray in la joojiyo kulankaas wuxuuna bilaabay waanwaan lagu doonayso in xiisadda lagu dhameeyo wadahadal iyo miiska korkiisa.

Haddaba Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso Waanwaantaas ayaa gebi ahaanba fashilmatay, waxaana lasoo sheegayaa inuu Guddoomiye Jawaari ku gacan seyray inuu aqbalo shan qodob oo uu madaxweyne Farmaajo hordhigay inkastoo aysan noo suurtagelin inaan helno qodobadaas iyo waxa ay ahaayeen.

Fashilka ku imaaday waanwaantaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay sabab u aheyd kadib markii Xisbiyada Qabyo iyo Daljir ay jawaari ku qancinyeen inuusan aqbalin waanwaan iyadoo doonayo in ka faa’ideystaan foodada ka dhex taagan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Labadaan qeyb ee fashiliyey waanwaantaas ayaa waxay muddo ka fakarayeen sidii ay jaanis ugu heli lahaayeen inay meesha ka saaraan Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumadiisa maadaama ay magacaabistaas u arkeen inay tahay mid aan macquul aheyn marka loo fiiriyo awoodda Beelaha.

Xildhibaano qiyaastii lagu sheegay inay ahaayeen ilaa 25 xildhibaan oo taageersan Guddoomiyaha mooshinka laga keenay ayaa galabta sii iclaamiyay  qas iyo fowdo xilli wadahadal u socday Maaxweynaha, Xildhibaanada labada dhinac iyo Guddoomiye Jawaaro.

Guddoomiye Jawaari ayaana ugu dambeyn caawa ku gacan seyray qodobadaan.

  1. Inuu iscasilo booska banneeyo
  2. In uu la heshiiyo dadka mooshinka ka keenay (sponsors) oo ayaga oo wadajira ay kusoo laabtaan Madaxweynaha muddo 3 maalmood ah
  3. Iyo in uu aqbalo sharciyadda mooshibka iyo in cod loo qaado.

jawaari ayaa seddexdaas qodob diiday isaga oo leh mooshinka waa jabay, mana la igu qaadi karo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com