Yaab: Faahfaahin ku saabsan Magaalo Guureysa oo lagu arkay degmada Jalalaqsi.

Jalalaqsi (Caasimadda Online) – Deegaan dhanka Koofur kaga beegan magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo la yiraahdo Qoryaale oo 25 KM u jira  magaalada Jalalaqsi, ayaa lagu arkay arin ugub ku ah gayiga Soomaaliyeed taas oo ah Xaafad dhan oo guureysa.

Amiin Cali Marakaan oo lahadlay Idaacada Kulmiye ayaa faafaahin ka bixiyay dhacdadaan ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay arkeen Muuqaal Xaafad u`eg oo hawada kor kooda ah marayay, muuqaalkaasi Xaafada ah wuxuu ka yimid Jihada Waqoy  wuxuuna u soo dhaafay dhanka jihada Koofureed.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buulo Burde lagu arkay,laakin ilaa hadda aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geesteen.

Dadka Degmada Jalalaqsi qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay xalay casbi soo wajahday wixii ka dambeeyey waxyaabaha aadka u weyn uu dushooda soo maray,isla markaana ay iyagu moodayeen in Magaalo dhan oo guureysay ay soo martay dushooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com