Golaha ammaanka QM oo waqti kordhin u sameeyey xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

New York  (Caasimadda Online) – Golaha Ammaanka ayaa meel mariyay qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, kaasoo muddo xileedkiisa la gaarsiiyay 31 bisha March 2019.

Fadhi Golaha Ammaanka shalay ku yeeshay magaalada New York ayaa waxaa looga hadlay howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Waxaa ay si weyn uga doodeen xubnaha Golaha ammaanka ee QM ahmiyadda howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Soo jeedinta Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la hayad Dowladda Britain,maadaama xafiiska shaqadiisu ay ku ekeyd 2018,balse weli ay jirto baahiyo loo qabo in mudada loo kordhiyo,si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee taageeridda Soomaaliya.

Waxaa Sidoo kale qaraarkan lagu ammaanay waxqabadka dowladda Soomaaliya,iyagoo dhanka kale ayaa ku baaqaya in la sii xoojiyo dadaalada horumarineed oo ay waddo Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qaraarkan ayaa ku baaqaya in laga hortago wax kasta oo xasarad ka abuuri kara gobolka iyo muranada hoos u dhaca keeni kara.

Xafiiska UNSOM ayaa la aas aasay sanadkii 2013, waxaana lagu soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2,102, waxaana ujeedada aheyd inuu dowladda Federaalka ka caawiyo dhinacyada horumarka, nabadda, dib u heshiisiinta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com