Wararkii ugu danbeeyay Mooshinka Jawaari & tirada ay kala heystaan labada kooxood oo war cusub laga helay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadaallo aan kala go’ lahayn oo loogu jiro ololaha Mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa hareeyay magaalada Muqdisho.

Kulanka looga hadlayo mooshinka oo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahin Muudey uu shaaciyay inuu qabsoomayo Sabtida 31-ka Maarso ayaa inkastoo uu khilaaf ka taagan yahay, waxay labada dhinac wadaan sidii ay ku heli lahaayeen codad hor leh.

Dhinaca xukuumadda ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay codad ku filan ugu heli lahayd ridista guddoomiye Jawaari, waxayna arrintaasi noqotay mid aad u adag oo gaartay in lagu xisaabtamo cod kasta oo xildhibaannimo.

Kooxda xukuumadda Kheyre ayaa la sheegay inay heshay ilaa 12 xildhibaan oo cusub, iyadoo ku doodeysa inay heysato ku dhowaad 196 xildhibaan, halka Guddoomiye Jawaari ay taageersan yihiin xildhibaanno ku dhow 50 oo intooda badan ay qadiyad u geysay inay la saftaan, waxaana xildhibaannadaasi u badan kuwa kasoo jeeda kooxda Qabyo.

Iyadoo ay xaqiiqoobeyso in cod lagu kala baxo arrintan uu adag yahay ayaa waxaa laga yaabaa inay arrintu gaarto awood la isu adeegsado iyo qaab sharci darro ah, iyadoo la cuskanayo cod gacan taag ah iyo cod qaadis lagu dhawaaqo.

Ilaa hadda waxaa la isku khilaafsan yahay waqtiga uu dhici doono Kulanka codka kalsoonida loogu qaadi doono Guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale waxaa la isku heystaa oo aan la xalin halka uu ka dhici doono kulankaas iyadoo kooxda Guddoomiye Jawaari ay doonayaan inuu ka dhaco xarunta Xalane halkii ay ka dhacday Doorashada Soomaaliya halka dhianca kalana uu doonayo inay ka dhacdo xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com