Daawo Sawirro qurux badan oo laga soo qaaday dhismaha cusub ee garoonka BOOSAASO.!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa heer gabagabo maraaya dhismaha garoonka Diyaaradaha magalada Boosaaso kaasi oo la filaayo in dhawaan uu howlgalo.

Dhismaha cusub ee garoonka Boosaaso ayaa waxbadan ka duwan dhismooyinka garoomada kale ee maamulka, waxaana la soo warinayaa in Garoonka uu leeyahay wadooyin dhowr ah, iyadoona ay mar qura kasoo dagi karaan dhowr diyaaradood.

Waddooyinkan lagu soo kordhiyay garoonka ayaa ah kuwo kor usii qaaday Bilicda iyo muuqaalka ee Garoonka Boosaaso, iyadoo la filayo in dhawaan uu garoonku Daahfuro madaxweynaha Maamulka Puntland mudane, C/weli Maxmed Cali Gaas.

Goobaha dayactirka lagu sameeyay lana qurxiyay ayaa waxaa kamid ah Terminalka garoonka, kaas oo lagu wado in la soo gaba-gabeeyo ka hor maalinta munaasabadda ama laba sano guurada maalinta uu xilka qabtay madaxweyne C/weli Gaas.

Dadweynaha reer Puntland ayaa si wayn u sugaya maalinta Daahfurka Garoonka Boosaaso, kaasi oo lagu wado inay ka qayb galaan Madax kala duwan iyo Wufuud Caalami ah.
Boosaaso-1

boosaaso-2

boosaaso-3

Garoon-9