Daawo: Senator Qodax oo sheegay waxyaabaha ay Farmaajo iyo Kheyre kaga duwan yihiin madaxdii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Mustaf Maxamuud Qodax oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya dowladihii hore ee Somalia iyo Dowladaha Madaxweyne Farmaajo ee iminka ka shaqeysa dalka.

Senator Mustaf Qodax, waxa uu sheegay in Dowladihii hore ay ahaayen kuwo aan laheyn kala danbeyn iyo nidaam shaqo, hase ahaatee dowlada hadda jirta ay tahay mid is fahansan oo aan khilaaf soo kala dhexgalin.

Senator Mustaf Qodax, waxa uu cadeeyay in dowlada Farmaajo ay daawo u heshay khilaafyadii ka dhex aloosmi jiray Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, waxa uuna cadeeyay inaanu hadda jirin wax khilaaf ah.

Farmaajo ayuu sheegay inuu la imaaday Ra’isul wasaare Kheyre oo ay isfahansan yihiin, taana ay muujineyso isbedelada uu kusii talaabayo dalka.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aad uga feejigan yahay inuu qabto shaqo aan tiisa aheyn, sidaa aawgeed uu ku egyahay keliya shaqadiisa qeybta isaga ka khuseysa.

‘’Farmaajo waxa uu ku amaananyahay inuusan faragalin shaqo aan isaga khuseyn waxa uu shaqo waliba u daayay cida ay khuseyso isagana waxa uu dhankiisa ka qabsaday qeybta ka khuseysa’’

‘’Dadka waxa ay doonayaan in howsha leysla faragaliyo, dadka qaar ayaa Farmaajo ku canaananaaya in Kheyre uu howsha badan u daayay taas maaha Siyaasad xun ee waa Siyaasad fiican in nidaamka la dhowro’’

Senator Mustaf Qodax, waxa uu dhaliilay dhinacyada aadka uga soo horjeeda nidaamka ay u shaqeyso dowlada hadda jirta, hase ahaatee waxa uu dadkaasi ku tilmaamay inay yihiin kuwo iyaga shaqo ka dhex abuuranaaya khilaafyada.

Senator Mustaf Qodax, ayaa hadalkaan u jeediyay Jaaliyada Soomaalida ee Qadar waxa uuna kula dardaarmay inay dhowraan wanaaga ay ku talaabeyso dowlada Somalia.