Gaas oo xog ka bixiyey safarkiisii Imaaraadka ee muranka badan dhaliyey

Madaxweyne maamul goboleedka Puntland, C/weli Cali Gaas oo gelinkii danbe dib kasoo laabtay safar mudo todobaad ah ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in safarkiisa uu kusoo dhammaaday guul islamarkaana uu khuseeyay amniga iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Mr. Gaas ayaa sheegay in madaxda Imaaraadka uu kala hadlay arrimo la xariira amniga Puntland iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, labaas arrimood ayuuna sheegay in ujeedada safarkiisa ugu weyneyd, sidoo kale, wuxuu xusay in Imaaraadka uu ka codsaday fulinta mashaariic dheeri ah, kuwaasoo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo hirgalin doono.

“Waxaan sidoo kale dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta aan ka codsanay in mashaariic dheeri ah ay ka hirgaliyaan Puntland, gaar ahaan dhanka Waxbarashada, Caafimaad, Biyaha iyo wixii lamid ah, Guul ayaan rajaynayaa hadii ALLE Idmo iyo in mashaariicdaas isa soo taraan waqti aan dheerayn,” Gaas ayaa sidaas sheegay.

Wuxuu sheegay oo kale in arrimaha khilaafka ee dowladda dhexe iyo Imaaraadka ka dhaxeeyo uu kala hadlay, kaalinta kaga aadana uu ka qaatay sidii heshiiis iyo isu soo dhawaansho u dhici lahaayeen.

“Dabcan, hadii aan meesha tagay wixii shido ah ee jira oo dadka Soomaaliyeed qabaan wixii igaga aadan ka mas’uul ahaan inaan ka iraahdo waa igaga haboonayd, wixii wanaag ahna waan ka iri, wixii la isugu soo dhaweyn kara Soomaali iyo Imaaraadna wixii nagaga aadanaa ka wafdi ahaan waan ka niri.”

Gaas ayaa intaas raacshay in labada waddan iyo shacabkoodu kala maarmin islamarkaana haboon tahay in la sameeyo tallaaba kasta oo lagu xallin karo khilaafaadka jira, maadaama Imaaraadku uu yahay buu yiri dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, weligiina taageeri jiray.

Dowladda federaalka ayaa u aragta safarka Gaas inuu dhibaato ku yahay go’aanka dhexdhexaadka ah ee dowladda dhexe ka qaadatay arrimaha Khaliijka, isla markaana uu dhinac maray go’aankii baarlamaanka Somalia ee lagu mamnuucay shirkadda DP World ee heshiisyada sharci darada ah la gashay maamulka Somaliland iyo Puntland.