Isu ekaa raggii aaday Imaaraat iyo Wang Jingwei

Khamiisti  ina dhaaftay (26/04/2018) waxaa magaalada Dubaay ee dalka Imaaraatka shir ku qabtay Cabdiwali Cali Gaas hoggaamiyaha maamulka Puntland. Waqtiga ay ku beegnayd, ujeedka laga lahaa iyo sida loo dhigay intaba waxay dhabar jab ku ahayd dowladda Soomaaliya oo go’aan adag balse loo baahnaa ka qaadatay Imaaraatka. Balse mudane Gaas iyo kuwo la mid ah uma horayn hoggaamiye dhabar jabiyo dalkooda waqti xaalad adag lagu jiro. Tusaalaha ugu fiican waa Wang Jingwei oo ahaa Shiinays.

Wang wuxuu ku dhashay koofurta Shiinaha 1883di. 1903di waxaa waxbarasho dibadda ah loogu diray dalka Jabbaan. Waxbarashada waxaa u diray dowladdi markaas jirtay ee ay hoggaaminayeen firkii boqortooyadi Qing oo ahayd boqortooyo ilaa qarnigii 17aad Shiinaha ka talinaysay laakiin waqtigaan taag darana. Waqtiga Wang uu korayay waa xilligii ree Galbeedku xoogoodo faayay inta badan Shiinahana iyagaa haystay.

Intii uu Jabbaan joogay Wang wuxuu xariir la  yeeshay Sun Yat-sen oo ahaa ninki hoggaaminayay kacdoonkii looga soo horjeeday boqortooyada. Wang wuxuu lasoo baxay firfircooni iyo ragonimo. Wuxuu ahaa wiil yar oo gabyaa ah, cod kar ka hadli yaqaan fagaarayaasha, geesi aan gabban. Waxaa kasoo muuqaday sifooyinkii hoggaamiye dal badbaadin karo laga rabay oo dhan.

Marki uu kusoo laabtay Shiinaha wuxuu xubin firfircoon ka noqday kacdoonkii uu Sun hoggaamiyay maamulka sare ayuuna ka mid noqday. Waxaa loo xiray inuu shirqool dil u maleegay amiir Chun oo boqortooyada ka tirsanaa. Waxay ahayd in lagu xukumo dil aan ka noqosho lahayn laakiin xabsi ayay ku xukuntay haweeneey qaali ka ahayd maxkamaddiisi. Waxaa la sheegaa in quruxda Wang ay qalbi dillaacisay haweeneeyda qaalliga ahayd sidaas darteedna ay dilka ka lexejeclaysatay. Inay sheekadaan run tahay iyo in dagaalki raggu ku hayay haweenka ay tahay ma kala aqaan.

Si kastaba ha ahaatee Wang waxaa lasoo daayay 1910ki. Soo dayntiisina waxay shacabki Shiinihu ku qaabileen farxad iyo bishaaraysi. Wuxuu noqday geesi qaran waxayna u qaateen badbaadiyaha Shiinaha. Wang halkiisi ayuu kasii waday halgankii ka dhanka ahaa boqotooyada musuqa badanayd. 1912ki ayay dhacday boqortooyadi waxaana reerki u haray kooxdi Sun uu hoggaaminayay Wang na ka mid ahaa.

Marki uu dhintay Sun waxaa loo arkayay Wang inuu isagu yahay dhaxlaha lama taabtaanka ah. Hasa ahaatee si qabqabsi xisbigi dhexdiisa ah ka dib jagadi ugu sarraysay waxaa ka qaaday Chiang Kai Shek oo khibrad ciidan lahaa. Chiang wuxuu ahaa nin aragti dheer oo uu wariye Ingiriis ahaa mar ku tilmaamay nin duman yaqaan saaxiibbadi laakiin kasii duman og cadowgiisa.  Chiang dowladdi uu dhisay waa uu ku daray Wang waxaa uuna ka dhigay raysulwasaare laakiin khilaafkoodu ma dhammaan mana qarsoonayn.

Waqtigaan Shiinaha waxaa inta ugu muhiimsan haystay quwadihii ree Yurub. Dowladda uu Sun hoggaamiyo Wang raysul wasaaraha ka yahay waxay wateen magaca waddani (natiolaist). Waxay aad ooga soo horjeedeen afkaarta reer Yurub iyo guumaysigooda.

Dhinaca kale waxaa taagan koox uu hoggaaminayo Moa oo qabto afkaarta hanti-wadaaga. Labadaan kooxood ayaa dalka isku haysto dagaal ba’anna dhex meraa, halka dalkiisa magaalooyinki ugu waawaynaa uu guumayste haysto. Wang wuxuu ahaa nin tiro badan dad badanna la macaamilo. Dhinac Chiang maamulkiisa ayuu ka tirsan yahay dhinaca kale wuxuu xariir la lahaa kooxda guddoomiye Moa.

Sunnada Ilaahay waxaa ka mid ah inuu ummadaha jarrabo si ay dadku u kala bartaan kan adag iyo kan daciifka ah, kan waddaniga ah iyo khaainka ah, kan la isku aamini karo iyo midka aan waxba galin, halyeeyga dhabta ah iyo kan dantiisa kaliya ilaashado. Si taasi loo tuso dadka Shiinaha waxaa dhacay dhacdooyinkaan is xigxigay.

1931di Jabbaan ayaa kusoo duulay Shiinaha. 1932di Jabbaan dhulki uu ka qabsaday Shiinaha wuxuu ka dhigtay meel uu guumaysto. Duullaanka Jabbaan ma jirin cid soo dhawaysay, Moa, Wang iyo  Chiang intaba isku mid ayay u diideen. 1937di Jabbaan wuxuu ku hamiyay inuu qabsato intii Shiine ka dhimayd dagaal buuxa ayaana qarxay. 1938di Wang wuxuu u galay Jabbaan oo haystay dhul ballaaran wuxuuna la galay heshiis ay ku dhiseen dowlad.

Muxuu isu dhiibay Wang?

Waxaa muuqatay tabar darrada Shiinaha. Jabbaanku wuxuu haystay hub casri ah iyo ciidan tababaran halka Shiinuhu ahaa maleeshiyaad aan hub haysan. Ma jirin taageero meelo kale ooga imaanaysay hiil iyo hoo toona. Waxaa si ba’an u barakacayay shacabka Shiinaha. Jabbaanku wuxuu waday xasuuq ba’aan oo uu si arxan darro ah ooga gaysanayay dhulki uu qabsanayay.

Yurub waxaa kasoo curtay dagaalki labaad ee adduunka inkastoo uusan wali qarxin. Dhinici la eegaba xaaladu waxay ahayd jiq aan lahayn irrid loo cararo. Wang wuxuu ku dooday haddaan Jabbaan la shaqayno dalku iyo dadkuba way badbaadi. Caymo iyo daba qabasho ayaa u samaynayaa sidaan. Midka mid ah raggiisi ayaa laga soo xigtay inuu yiri innaga Jabbaan la shaqaynay iyo kuwa dagaalka la galay isku si ayaan u leenahay sharafta xoraynta Shiinaha waayo in dhinac walba lug kuugu jirto waa muhiim lugtii Jabbaan ku jirtay ayaan innagu noqonay. Hadalladaan waa kuwa ay hadda ku doodayaan madaxda maamul goboleedyada xaalmarinta u geeyay Imaaraat.

Intaas waxaa dheer, waxaa jhirtay figrad uu Jabbaan faafin jiray horraanti qarnigii labaatanaad taasoo uu Wang la dhacay. Fekerkaas ayaa ahaa in Aasiyaanku ka sharaf badain yihiin dadka kale sidaas darteed ay waajib tahay in laga ilaaliyo afkaarta wasaqaysan ee ay wadaan reer Galbeedku. Wang wuxuu u arkayay in Jabbaanku yaahy ilaaliyaha Aasiya sidaas darteedna ay muhiim tahay in lala shaqeeyo si loo badbaadiyo qaaradda iyo Shiinahaba. Halkaas markaan joogno ma xasuusatay waxa dadkeennu ka aaminsan yihiin Carabta? In la aamino in dal gooni calanka u sido ilaalinta qowmiyado qaarad ku wada nool ama diin ay ka dhaxayso waa musiibo weyn oo horseedo guumaysi. Waa arrinti ay wadaaddada salafiyiintu la yimaadeen Soomaaliya dadkeennana la cabsiiyay.

Hasa ahaatee waxaa dhacay wax ka duwan wuxuu watay Wang. Marki uu Jabbaan u yimid waxaa loo sheegay inuu hoggaamiyo dowladda Shiinays ah laakiin dowladdaasi ay tahay mid hoos timaado Jabbaan oo aan xor ahayn. Dhaqaalaha Shiinaha wuxuu hoos joogayaa midka Jabbaan, ciidamada Shiinahaha waxaa amrayo saraakiisa Jabbaanka. Arrinku waa sidaas gorgortanna ma jiro ayaa lagu yiri. 30ki Maarso 1940ki ayaaa Wang loo dhiiriyay dowlad daba-dhilif ah laakiin loogu yeeray Shiinaha dib loo habeeyay. Raggii la jogay waxay sheegeen in marki uu qalinka qaatay si uu saxiixo heshiiska ay illin waaweyn soo dhaaftay. Dabcan maahayn illin farxadeed.

Xaqiiqda ayaa ah in waxa bannaanka lala soo istaago iyo wajiyada farxadda leh ee dadka la tuso aysan ahayn kuwa dhabta ah marki qolka lagu jiro. Ruux  walba oo dalkiisa hoos geeyo dal kale, inta uu kaligiis yahay walwal iyo ciil ayaa dilay bannaankana maslaxada dadka ayaan haynaa buu lasoo istaagaa.

Waxaa sheekeeyay nin ka mid ahaa gacan-yarayaashi mid ka mid ah dagaal oogayaashi Soomaaliya soo maray. Isagoo Tilmaamayo sida Itoobiya u ihaanaysan jirtay, ayuu yiri “waxaa laguu keeni wax aadan qaadan karin. Markaas ayaad akhrin toban jeer bal inaad ka dhex hesho hal arrin oo aan dadka u tusi karno faaiido”.

Waligeed doqon meel rag ka tageey jaqallo waynayd

Bishii Nofember 1943di waxaa magalaada Tookiyo lagu qabtay shirwayne loo qabtay dalalki loo baxshay dalalka bariga Aasiya ee hodanka ah laakiin dhab ahaan ahaa dalalki ku jiray guumaysiga Jabbaan. Shirkaas martidi timid waxaa ugu maamuus wacnaa Subhash Chandra Bose oo ahaa hoggamiyihii xornimo u dirirka Hindiya, waxaa ugu maamus xumaa Wang oo ku magacownaa madaxweynaha Shiinaha.

Waxa kala faddilay labadaan masuul ayaa ahayd in mudane Subhash uu kasoo baxsaday dowladdi Hindiya ee Ingiriiska xukumayay asagoo madaxweyne ka ah si uu u sameeyo ciidan xoreeyo dalkiisa. Madaxweyne daba-dhlif ah wuxuu ka doortay inuu noqdo jamhad bannaan jiif ah, Halka Wang uu madaxbannanidi dalkiisa boorso ugu keenay nin uu iska celin karay isagoo xor ah. Halkaas markaad joogto kuwa karaamadi Soomaaliya inta diyaaradda la fuulay Imaaraat geeyay ma xasuusatay!

Hoggaamiyihii xornimo u dirirka ee Barma (Minyamaar) oo shirkaas joogay ayaa yiri
Musuubada ku dhacday Shiinaha waxay ka muuqanaysay fadhi xumada Wang, iyo hadalkiisa marnaa. Erayadan ku cabbir sawirka kore.

Ugu danbayn, Wang wuxuu dhintay 1944ti waxaana lagu aasay dhulkii uu daba dhilifka ku ahaa. Sanad ka dib Jabbaan ayaa laga sifeeyay dhulwaynihii Shiinaha. Waxaa lasoo qufay qabrigii Wang lafisii ayaana madfac lagu xiray oo hawada loo gamay waayo waxaa la yiri ma astaahilo dhulka sharafta badan ee Shiine inuu ku aasnaado midkii khiyaamay ee guumaysi u dhiibay. Wang waxaa uu tusaale u noqday inta khaainu waddan ah ilaa qiyaamaha.

Wang nacasnimo ayay ku ahayd inuu aamino guumayste laakiin doodiisu waxay u muuqanysay mid macquul ah oo dakiisa badbaadinaysay, si la mid ah sida maanta kuwa Imaaraat baryayo ayay noogu tusayaan in nolosheenna badbaadada Soomaaliya ay ku xiran tahay Imaaraat oo la isu dhiibo.

Taariikhdu waa mid soo noqnoqoto. Wax walba oo maanta dhacayo horay ayay dhaceen mar kalana way dhici doonaan. Shiine waxaa dhiibay Wang oo kaliya waxaana badbaadiyay Moa iyo Chiang oo lid isku ahaa laakiin u midowbay inay guumaysi ka badbaadiyaan dalkooda, laakiin maanta dalkeenaa waxaa rabo inay dhiibaan oo joogo toboneeyo Wang marka waxaan u baahannay Moa iyo Chian toboneeyo la mid ah. Daacadda iyo inta madaxa kor u qaaddo ayaa guulaysan

W/Q: Ibrarim Aden Shire
ishire86@gmail.com
kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/