Feysal Waraabe oo soo jeediyay tallo ay aad uga carooden Madaxda Maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Feysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay suuragalnimada in Somaliland ay hesho xoriyad ay uga madaxbanaananeyso Somalia inteeda kale.

Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dhammaan shacabka Somaliland ay sugayaan inay ka baxaan Somalia inteeda kale, hase ahaatee ay taa kasoo horjeedan Hogaamiye Muuse Biixi iyo Madaxda kale ee la shaqeysa.

Waxa uu Feysal Cali Waraabe, sheegay inuu jiro xiriir hoosaad Muuse Biixi kala dhexeeya dowlada Somalia, balse wararka uu siinaayo warbaahinta uu ku marin habaabinaayo shacabka.

‘’Waxaan cadeynayaa inuu jiro xiriir dhab ah oo ka dhexeeya Muuse Biixi iyo Dowlada Somalia, aniga waxaan goobjoog ka ahaa wadahadal ay wada galeen Biixi iyo Dowlada’’

‘’Dadka shacabka waxa ay ku lunsan yihiin wararka kulul ee uu Biixi hawada u marinaayo dowlada Somalia, taa kama turjumeyso inuu xun yahay xiriirka labada dhinac’’

‘’Waxaan Muuse Biixi ka dalbaneynaa inuu nagu darro Somalia ama uu naga dhaafo laqdabada uu ku hayo gooni isku taageena, marba haddii amuuraheena kala tashanaayo dowlada Farmaajo’’

Feysal Cali Waraabe, waxa uu soo jeediyay in lagu biiro Somalia, waxa uuna tilmaamay inaanu waxba u arki doonin haddii uu Muuse Biixi Somaliland ku daro Somalia inteeda kale, balse ay aad uga soo horjeedan in shacabka leysugu daro wakhti lumis iyo xoriyad la’aan.

‘’Waxaan ka cabsaneynaa in Muuse Biixi uu wakhtiga naga lumiyo, marba haddii uusan laheyn hadaf lagu sii hormarinaayo gooni isku taagnimadeena’’

Haddalka Feysal Cali Waraabe, ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan C/raxmaan Cirro oo kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland uu goob fagaaro ah ka sheegay inaanu Muuse Biixi hurdo gam’i Karin haddii uusan qadka Telka kula hadlin Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com