Sawiro: Ciyaartooydii 17-jirada Soomaaliya ee taariikhda ka soo dhigay Koobka CECAFA oo si weyn loo soo dhaweeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Eng, Cabdiraxmaan Yariisow, Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta.

Ciyaartooyda Da’yarta Soomaaliyeed ee xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galayay koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ee sanadkaan ka dhacay dalka Burundi ayaa goor-dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Ciyaartoyda da’doodu ay ka hooseyso 17 sano jirada ee Soomaaliya ayaa kaalinta labaab ka galay koobkaan kadib markii 2-0 looga badiyay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la ciyaareen dhigooda dalka Tansaaniya.

Ciyaartaas kama dambeysta aheyd ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi Balaaran oo ka socda dowlada Soomaaliya si ay u dhiira geliyaan da’ayarta Soomaaliyeed, wafdigaas waxaa hogaaminayay Ra`iisul Wasaaro ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubno kale.

Sidoo kale ciyaartaas waxaa Daawanayay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo shacabka aad u fara badan kuwaas oo u sacaba tumayay ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Waa heerkii ugu sareeyay uu gaaro xul ka socda Qaranka Soomaaliyeed muddadii ay Soomaaliya burburka ay ku jirtay.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada soo dhaweynta: