Maxaa ka jiro in Ciidamadii uu tababarray Imaaraadka la hoos geynayo Mareykanka xilli Qatar ay….

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo saraakiisha wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu doonayo in ciidamadii uu tababarray Imaaraadka Carabta lagu wareejinayo maamulkooda Mareykanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay qalalaase ka dhacay xerada ciidamada Imaaraadka e Gen. Gordon bishii hore ee April iyo culeyska dhaqaale ee ku baxaya saadkooda iyo mushaarka, waxaana saraakiisha Mareykanka la sheegay inay daneynayaan ilaa 200 askari oo kumaandoos ahaan u tababarran.

Saraakiisha ayaa sheegaya in dowladda Qatar laga codsaday bixinta mushaarka ciidamadaasi oo ku dhow 1000 askari, waxayna dowladda Federaalka Soomaaliya caddeysay inaysan awoodin bixinta kharashka ciidamadasi oo bil kasta u baahan lacag ka badan 3 Milyan oo doolar.

Ciidamada Imaaraadku tababarray ee hadda loo bixiyey DALJIR ayaa isugu jira ciidamo gaara oo si heer sare ah u tababarran iyo ciidamo kale, waxaana socda wadahadalka ciidamadaasi lagu wareejinayo Mareykanka oo maamula ciidamada Kumaandooska ee DANAB ee fadhigoodu yahay Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Sh/hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com