Afar arrimood oo sababay inuu guuldarreysto musharixii mucaaradka Ibraahim Isaaq Yarow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu soo gabagabowday ololihii doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, xilkaasoo uu ku soo baxay musharixii xukuumadda Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan sababihii uu ku guuldarreystay musharixii ay taageerayaan kooxda mucaaradka.

Inkastoo Xildhbaan Ibraahim Isaaq Yarow uu ka mid ahaa Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaannadii hormuudka u ahaa mooshinka guddoomiyihii hore Prof. Jawaari ayaa markii danbe wuxuu noqday musharax ay wada taageereen xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladda sida maamul Goboleedyada iyo kooxda Qabyo.

Haddaba waxaa halkan ku eegeynaa afar arrimood oo keenay inuu guuldarreysto Musharax Ibraahim Yarow:-

1- SHAQSIYADDA MUSHARAXA

Arrinta ugu weyn ee saameynta ku yeelatay musharaxa ayaa ahayd iyadoo Ibraahim Yarow lagu tilmaamo nin aan deganeyn oo hab dhaqankiisu yahay mucaadad dood badan oo xildhibaanno badan shaki ka muujiyeen inuusan hoggaamin karin Baarlamaanka Federaalka.

2- OLOLAHA XUKUUMADDA & MADAXTOOYADA

Arrinta labaad ee keentay nuu fashilmo Musharaxa ayaa ahayd isagoo wajahay olole xoog leh oo ay ku jireen xukuumadda iyo Madaxtooyada oo watay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Mursal, isla markaana musharixiintii kale la siiyay balanqaadyo u badan xilal kala duwan.

3- MUCAARAD AAN WADA SOCON

Taageeraasha Musharaxa ayaa u badnaa kooxo aan iska war qabin, isla markaana wada socon oo kaliya heshiis ku ahaa inuusan xilka guddoomiyaha qaban musharaxa ay wataan madaxtooyada iyo xukuumadda. Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada K/Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaan taageero badan ku lahayn Baarlamaanka iyadoo Shariif Xasan iyo kooxda Qabyo oo kaliya ay ka go’neyd taageerada musharax Ibraahim Yarow.

4- KHUDBADII SHARIIF CABDALLA

Khudbadii tanaasulka Musharax Shariif Maxamed Cabdalla waxay ahayd mid si weyn u taabatay musharaxa mucaaradka, isagoo xildhibannada ugu baaqay inay ka fiirsadaan qofka ay codka siinayaan, maadaama uu noqonayo Ku-simaha Madaxweynaha, loona baahan yahay inay taxadaraan. Arrintan ayaa loo qaatay inuu si toos ah uga digayo doorashada Ibraahim Yarow.

GABAGABO

Inkastoo arrimahaas oo dhan ay jireen, sababna u noqdeen inuu doorashada ku soo baxo musharax Maxamed Mursal, haddana Ibraahim Yarow wuxuu helay codad aan yareyn oo mararka qaarkood naxdin ku ahaa musharaxa kale iyo taageerayaasha xukuumadda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com