“Xildhibaanimada aniga ma raadsan ee iyadaa isoo raadsatay anigoo wakhti galin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Shurki Aadan Maxamed Camey oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa sheegtay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay weli heystaan fursado kala duwan.

Senator Shurki Aadan Maxamed, waxa ay tilmaantay in mudada u harsan Xildhibaanada kadib ay suuragal tahay in dhalinyarada dalka ay kaalintooda ka cayaari karaan si dalka uu u galo isbedel dhanka Siyaasada ah.

Waxa ay sheegtay inay muhiim tahay in dalka loo helo dhalinyaro kawada tirsan labada Gole ee dalka, waxa ayna cadeysay in xubinimada ay tahay mid nasiib ah.

‘’Aniguba Xildhibaanimada iyadaa isoo doonatay aniga maraadin, waayo maba ku fekeri jirin lkn waxaan aaminsanahay inay aheyd nasiib isoo doontay’’

Waxa ay Senator Shurki Aadan Maxamed, tilmaantay in nasiibka uu yahay mid furan isla markaana uusan ka reebneen dhalinyarada, sidaa aawgeed ay ku rajo weyn tahay in baarlamaanada cusub ee imaan doona ay noqdaan dhalinyaro caaboon.

‘’Waa in laga shaqeeyaa sida lagu heli lahaa Xildhibaano dhalinyaro ah, waxaan aad usoo dhaweyn lahaa in dowlada Federaalka ay sii diyaariso dhalinyarada nasiibkooda wata si loo helo isbedel baarlamaani ah’’

Waxa ay Senator Shurki Aadan Maxamed sheegtay in markeedii hore ay isaga shaqeysan jirtay isla markaana baratay Injineernimo, kuna shaqeyn jirtay dhismaha iyo Naqshadeynta Guryaha iyo dhismooyinka kale, hase ahaatee ay iminka noqotay Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka iyadoo aan dadaal dheer u galin, balse nasiibka uu watay.

‘’Nasiibka waa calafka u siman kan dadaalka badan iyo kana an dadaalka badneyn, waxaan rajeynayaa in nasiibka isoo maray uu maro dhalinyarada kale, si ay ugu faa’iideeyan dalkooda’’

Sidoo kale, Senator Shurki Aadan Maxamed, ayaa haweenka ugu baaqday inay ka dhex muuqdaan Siyaasada dalka oo ay sheegtay inay weli ku yaryihiin Haweenka, sidaa aawgeed ay lamahuraan tahay in lahelo Haween badan.

Haddalka Senator Shurki Aadan Maxamed, ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaano hore iyo Ganacsato caan ah ay dhaqaale ku waayen Xubinimada labada Gole ee Hoose iyo Sare.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com