Dalxa oo sheegay sababta ka danbeysay inuu kusoo laalaabto xildhibaanimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta ka danbeysay inuu noqdo Xildhibaan ka tirsan BFS.

Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in waligii uu ahaa mid ku dadaali jiray sida uu uga mid noqon lahaa baarlamaanka Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ahaa shaqsi rajeyn jiray inuu noqdo shaqsiyaadka aasaaska u ah dowladnimada.

Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in mudanaha ka tirsan baarlamaanka uu yahay aasaasaha dhabta ah ee Dowlada, taana ay tahay mida mar waliba ku dhiirigalisa kamid noqoshada baarlamaanka.

‘’Dadka qaar waxa ay is weydiinayaan muxuu Dalxa uga dhex bixi la’ yahay baarlamaanka, anigu waxaa ii muuqda inaan xubin rasmi ah kasii ahaado aasaasayaasha dowlad wanaagsan, waayo aasaasaha saxda ah waa Xildhibaaanka’’

‘’Xildhibaanka waxa uu aasaas u yahay dowlada rasmiga ah, waxa uuna sabab u noqonkaraa ridista dowlada wanaagsan iyo tan xunba, waa sababta aan u doortay xubinimada inaan aasaase noqdo’’

Waxa uu yiri ‘’xaalad adag ayuu wadanka ka soo baxayay waxaana lagu haminayay in dowlanimada salka loo dhigo marka ay saaxiibadey qoriga la cararayeen in aan anigana aqli iyo xeelad wax u maamulo ayaan rabay’’.

Xildhibaan Dalxa waxa uu cadeeyay inaanu baarlamaanka kusoo biirin dhawaanahaan, balse uu ka tirsan yahay tan iyo Sanadkii 2003-dii, waxa uuna noqday gudoomiye ku-xigeenkii Gudigii Arrimaha dibada ee Baarlamaankii 9-aad sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo illaa 24 Dowladood ay ku jiraan.

Dalxa waxa uu sheegay in Xildhibaaninimada baarlamaanka ay uga dhigan tahay guul, waxa uuna tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay inuu sii ahaado Xildhibaan inta uu ka dhimanaayo.

‘’Xildhibaan waan soo ahaa waana sii noqon doonaa, waayo waxaan doonayaa inaan ka tago taariikh, waxaan dalban lahaa in leygu garabsiiyo guusha aan naawilaayo’’

Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Dalxa ayaa kusoo beegmaaya xili ay dowlada Somalia ee hadda jirta ay dooneyso in dalka uu helo baarlamaan dhalinyaro mideynaaya oo qura, waxaana meesha ka baxaaya Dalxa iyo Xildhibaanada ku da’da ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com