Gaas oo ka hadlay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo waxa laga sugaayo inuu qabto Mursal

Boosaaso  (Caasimadda Online)– Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Cali Gaas oo safar uu ugu maqnaa Isu-taga Imaaraadka Carabta kasoo laabtay gelinkii danbe ayaa ka hadlay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Somalia.

Mr. Gaas ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Mursal isagoo u rajeeyay in xilkiisa uu u guto sidii loogu doortay.

Wuxuu sheegay C/weli Gaas in gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka laga rajaynayo in uu noqdo mid mideeya Baarlamaanka Somalia, kana shaqeeya danta iyo maslaxada umada Soomaaliyeed  meelkasta oo ay joogaan.

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka SOmalia ayaa ku kala qeybsan siyaasadda dalka iyo go’aankii dhaliyay iscasilaadii guddoomiyihii hore Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari