Daawo: Shabakad ka tirsan Al-Shabaab iyo hub oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgallo ay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ka sameeyeen Muqdisho.

Madaale ayaa shaaciyey in howlgalkan lagu soo qabtay shabakad isku xiran oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in haatan la soo xiray, loona gudbinayo maxkamad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xubnaha lasoo qabtay ay saldhigyo ka dhigteen guryo ku yaallo caasimada, kuwaas oo ay kireysteen, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada ammaanka maalmahaan waxay wadeen howlgallo ay ku sugayeen amniga caasimada iyo daafaha magaalada. Hay’adaha amniga howlahaas intii ay ku jireen waxay la kulmeen meelo badan oo Argagixisadu ay ka dhigteen saldhigyo ay gabaad ka dhigtaan oo gudaha magaalada Muqdisho ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay gacanta ku soo dhigeen hub fara badan iyo goob caafimaad oo loogu talagalay in lagu daaweeyo xubnaha ka dhaawacma Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda howlgallo ay sameeyeen Usbuucii lasoo dhaafay waxay qaybteen illaa dhowr guri oo ay deegaan ahaan u dageen rag ka tirsan Al-Shabaab, meelaha qaarna waxay ka dhigteen isbitaallo ay ku daaweeyaan dhaawacyadooda, marka waxaa la soo qabtay hub noocyadiisa kala duwan yahay, daawooyin iyo qalab caafimaad,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay la wareegtay illaa 5  guri oo laga soo qabtay raggaasi, isaga oo sidoo kale uga digay shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho in ay guryo ka kireeyaan dad aysan aqoon ulahey.