Daawo: Shacab dibad-bax ka dhigayay Muqdisho oo maanta rasaas lagu furay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxa daqiiqado ka hor si weyn ugu faafay baraha bulshada Muuqaalka dad dhigaya banaanbax oo iskugu jira haween iyo dhalinyaro oo lagu furay rasaas, iyada oo xabsiga loo taxaabay wariyeyaal duubay banaanbaxaas.

Banaanbaxan oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan isgoyska Banaadir ayaa waxa dadweynihii banaanbaxayay rasaas ku furay Nin hubeysan oo dhar ah, kaasi oo la sheegay in uu ka tirsan yahay ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxay ciidamada amaanka ay xabsiga dhigeen ilaa labo wariye oo ka tirsan idaacada Goobjoog, sida uu goordhoweyd xaqiijiyey maamulka idaacadu.

Tallaabadan ayaa waxa si kulul uga hadlay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka, isagoona wax laga xumaado ku tilmaamay in la beegsado shacab banaanbax dhigaya.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida waxay magaalada ku soo daayeen rag hubaysan oo dharcad ah oo jidka u taagan caburrinta shacabka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray “Ninkaan xabada ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay xabadeeyaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay.”

Cabdiraxmaan ayaa dadweynaha ugu baaqay in meel looga soo wada-jeesto tallaabooyinka noocan ah oo uu sheegay inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo ku sifeeyay “Diktatoori tabar yar oo aan weli xoogeysan”.

Maaha markii u horeysay ee ciidamada amaanka ay rasaas u adeegsadaan dadweyne dhigaya banaanbax, hase yeeshe waxa ku cusub in ciidamo dhar cad oo hubeysan loo adeegsado banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda iyo Farmaajo.