Ciidamada Abiy oo dilay 40 qof, xireyna mas’uul sarre iyo xiisad xoogan oo taagan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Millateriga dowladda federaalka Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Axmed ayaa weerar ku dilay 40 Nin oo lagu sheegay inay ku lug lahaayeen xasuuq ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz, sida ay baahisay warbaahinta ku hadashay afka dowladda.

Dadka badan ee la dilay ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerar bahalnimo ah oo lagu dilay 100 qof oo ay ku jiraan caruur, kaasi oo lagu gubay guryahoodii xili ay hurdayeen, isla markaana qaarkood la toogtay, halka kuwa kalena toorey lagu dilay.

Ciidamada Millateriga Itoobiya ayaa raggaas ku dilay howl-gal ay ugu magac dareen “ugaarsiga kuwii weerarka soo qaaday”, sidoo kale waxay la wareegen oo gacanta ku dhigeen hub ay ka mid yihiin qaanso iyo waran.

Maleeshiyaad aan haybtooda la aqoon ayaa weerar ka fuliyay gobolka, maalin un kadib markii Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu booqday gobolkaas, iyada oo dowladda ka gaabsatay inay faah-faahin dheeriya ka bixiso 40 Nin ee ay dileen ciidamada Millateriga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xukuumadda Abiy ay xabsiga dhigtay Wasiir ku-xigeen dowladda ka tirsan oo ka mid ah shan qof oo ay dowladda la xiriirisay qalalaasaha ammaan ee ka taagan gobolka.

Afhayeen u hadlay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ee xiriirka la leh dowladda oo u waramay idaacada BBC-da ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay habeenimo xili dambe ah weerar ka fuliyeen gobolka galbeedka dalkaas ku yaalla ee Benishangul-Gumuz.

“Waxay weerareen tuulo iyadoo dadkii ay hurdaan ayay guryahoodii dab qabadsiiyeen, sidoo kale dad rayid ah ayay toogteen oo ay dileen,” ayuu yiri Aaron Maasho.

Sidoo kale hay’addaha xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey weerarkaas, iyaga oo dalbaday in deg-deg loo baaro, isla markaana cadaalada la hor keeno dadkii ka dambeeyay ee fuliyay falkaas oo ay ku tilmaameen mid arxan darro ah.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay dalka Itoobiya ka taagan tahay xiisad xoogan, iyada oo muddooyinkii dambe wajaheysay qalaalase siyaasadeed oo baahsan, mid isir naceyb ku saleysan iyo mid diimeed.