Shariif Xasan oo sheegay in aysan aqbali karin laba arrin ‘oo uu isku rabo’ Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shariif Xasan shiikh Aadan, oo isna horay u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, iminkana ka mid ah musharrixiinta ku jira Midawga Musharrixiinta ayaa sheegay in xilligiisii maalmaha loo tirinayey haddana ay iyaguna Farmaajo u tirinayaan maalmaha.

“Haddii doorasho inta la isku dhiibo, la isku beddelo la ogolaan waayo, wixii hore u soo dhici jiraa dhacaa, taa iyada dhibaato waayo. Markaa madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaan leennahay ayaan dhawyad sidii lagu doortay wuu og yahay.”

Isagoo sii hadlayo ayuu yiri  “Madaxweynaa loo doortay waa loo bannaan baxay, markaa maantana waxaan ka rabnaa sidii oo kale inuu tartamo haddii uu guulaysto waa loo bannaan baxaa, haddii tartanka ku guulaysan waayo waa in uu sidii labadii madaxweyne kale ee ka horraysay gacanta u qabteen uu isna gacanta u qabtaa laga rabaa.”

Shariif Xasan ayaa dhanka kale sheegay in aanay suuragal noqon doonin in madaxweynuhu keligii doorashu abaabusho isla mar ahaantaana qabsado.

“Hadii se uu yiraahdo anaa dheelaa, anaana garsoore noqonaa, dadka ila dheelayaana anaa keensanaaa, ma shaqaynayso! Waxaan leennahay annaga ciyaartooy isaga ka fiican inay la ciyaaraan aan rabnaa, ee madaxweynuhu ciyaartooydu ha ogolaado, shacbka Soomaaliyeedna sidaa garsoore ha noogu noqdaan. Lakiin hadduu yidhaahdo ani keligay baa dheelaa, meel ay ka shaqaynayso ma jirto.”

Hadalka kasoo yeeray Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qeyb ka noqonayo baaqayada loo dirayo madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyey inuu ka shaqeenayo doorasho uu isaga mar kale kusoo baxo.